miro cas
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRO CAS
[MIRAAS] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruundi
m.l Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandharuug
m.l 1. Geed miro cas-cas iyo guduudba leh dhala oo la cuno. 2. Miraha mandharuugga; murcood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aruundi
m.l Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRRO-CAS
[MIRAAS] Grewia bicolor 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miracas
(Miracas-ka)
Geed jaadad badan u sii kala baxa oo aan qodax lahayn oo miro yaryar oo cascas oo la cuno dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miracas
m.l Murcanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miracas
m. n., [collective] berry-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miracas
-ka: (magac, lab, keli) eeg midhacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miracas
de: berry-bearing tree sp.
lx: miracas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: miracas
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRA-CAS
(Mira'as) C Grewia bicolor Juss. Tiliaceae.
S Grewia retusa Chiov. Tiliaceae.
C Grewia tembensis Fres. Tiliaceae.
S, C Grewia tenex (Forsk.) Fiori Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraqcas
-ka: (magac, lab, keli) suugo ka kooban xawaash kala jaadjaad ah iyo hilib iyo geedo la isku karshey co cunnada lagu daanto. Dh: suugo, sanuunad, soos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhacas
-ka: (magac, lab, keli) geed gadhaab adag oon aad u dheeraan oo dhanfaruurta iyo aashacaddada ay bah yihiin oo midho cascas oo macaan leh. Aashacaddo iyo midhacas ayaan soo qadhaabtay. Dh: mudhocas, midhacas.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURA-CAS
Grewia tembensis 10
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro cuf
Mass Number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro yar
n. phr. small number; minority
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hard cash
/hardh-kash/ (n) lacag caddaan ah. e.g. He demanded hard cash instead of a check.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
miroitant
miroitant, adj. - marka muraayaddu soo celiso masawirka qofka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro atam
n. phr. atomic number {physics}
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro kisi
m.dh (xisaab) Haraa la'aan tirada aan u qaybsami karin labo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
first class
/ferest-kalas/ (adj) heerka-koowaad, heerka ugu fiican uguna qaalisan ee lugu-safro ama dhanbaal lugu-diro.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mark, class
Summad ineed